Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Nabadoon Cabdi Cumar ibraahim oo katirsanaa nabadoonada beeshs Tunni ayaa xalay lagu dilay degmada xamar jajab gobolka Benaadir, waxaana goobta ka baxsaday ragii falkaan geystay.

FB_IMG_1487656823254-1

Allaha u naxariist ee nabadoonka ayaa ka mid ah odayaashii ka qeybgalay doorshadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka koofur galbeed.

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay kawaanka waxgaradka Soomaaliya, waxaana todobaadkan lagu dilay dad 40 qof kor u dhaafaya.

Dadka ugu badan ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay suuq ku yaal degmada wadajir.

Inta badan dadka dilalka qorsheysan ka geysta magaalada Muqdisho ayaa baxsada, taas oo sare u qaaday in ay sii wadaan falalkooda guracan.