Alshabaab gudaha u galay magaalada Camaara

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya magaalada Camaara ee koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in goordhow gudaha magaalada usoo galeen ciidamada ururka Alshabaab.

Ciidamadan ayaa wata gaadiid dagaal, waxa ayna gudaha magaalada ka xirxireen dad rayid ah, shacabka ayaa ku sugan guryahooda, iyadoo qaarkood magaalada ka baxeen inta Alshabaab soo galin magaalada.

Alshabaab ayaa shalay kasoo ruqaansaday deegaanka Caad, iyagoo jaray wadada isku xirta magaalooyinka Ceelhuur iyo Camaara.

Wixii kusoo kordha warkaan kala soco ceelhuur.com