Alshabab oo gubay goobo ganacsi oo ku yaal Camaara

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Alshabaab ayaa maanta duhurkii gudaha u galay magaalada Camaara ee koofurta gobolka Mudug, ciidamada Alshabaab ayaa gubay makhaayad iyo guri uu lahaa mid ka mid ah dadka deegaanka.

Alshabaab ayaa sidoo kale horey u watay gaari iskaroge ah, nuuca dhagaxda lagu daabulo uu lahaa nin deegaanka ah, Alshabaab ayaa galabta Ka baxay magaalada, inkastoo markale maqribkii dib ugu soo laabteen.

Alshabaab ayaa fariisin ka sameystay duleedka Camaara, waxa ayna dadka leh goobaha ay gubeen ku eedeynayaan inay la shaqeeyaan maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaanan wax war ah kasoo saarin, waxaana maalmo ka hor Camaara tagay ciidamo Isugu jira Ajnabi iyo Soomaali kuwaas oo aan la ogeyn ujeedadooda.

Dadka dagan Camaara ayaa dhib ku qaba ciidamada isku badalaya gacan ku heynta magaaladaas.