Alshabaab oo qabsaday Magaalo xeebeedka Ceelhuur

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaalo xeebeedka Ceelhuur ee gobolka Mudug, Ciidamada Alshabaab ayaa goordhow gudaha u galay magaalada. Ciidamada Alshabaab ayaa wata gaadiid dagaal, waana markii ugu horeysay ee ay qabsadaan magaaladan, inta badan dadkii daganaa ayaa isaga barakacay, waxaana ku haray dad aan tiro badneyd. Ciidamada galay Ceelhuur ay ku yimid […]

Continue Reading

Madaxweynaha Galmudug oo u hambalyeyey Ra’iisulwasaaraha Cusub

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa u hambalyeey Ra’iisulwasaaraha cusub ee uu saaka magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada. Mr. Guuleed oo howlo caafimaad ugu maqan dalka Hindiya ayaa bartiisa Facebookga ku yiri sida : “Hambalyo Hambalyo Hambalyo Raisu Wasaaraha Cusub ee la magacaabay Mudane Xasan Cali Kheyre oo ah runtii qof karti iyo firfircoonaan […]

Continue Reading

Madaxweynaha Soomaaliya oo u duulay Sucuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyey kadib doorashadiisa ku aaday dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde waxaa ka qaaday diyaarada laga leeyahay Sucuudiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dalka Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaaan, Madaxweynaha ayaa inta uu jooga dalkaasi soo […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’iisulwasaare Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxa uu u magacaabay Xasan Cali Kheyre, oo u dhashay beesha Murusade. Xassan Cali Khayre waa Nin dhalinyara ah waxa uu ku noolaa dalka Norway waxa uuna waxa uu Madax […]

Continue Reading

AlShabaab oo caawa kulaalaya Ceelhuur iyo Barakac ka socda

War goordhow naga soo gaaray magaalo xeebeedka Ceelhuur ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in duleedkeeda ay soo buuxiyeen ciidamo ka tirsan Alshabaab. Ciidamadan ayaa laba jiho uga soo dhaqaaqay, dhanka wadada Camaara ka timaada, oo ay galabta soo gaareen deegaanka Baraag Fareey oo 20 km waqooyi galbeed uga beegan Ceelhuur, halka caawa ay ciidamada Shabaabka […]

Continue Reading

Daawo Sawirrada: #Caleemasaarka Madaxweyne #Farmaajo

Munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow soo gabangabowday, waxaana kasoo qeybgalay Masuuliyiin iyo shacab farabadan. Madaxdii kasoo qeybgashay ayaa waxaa ka mid ah: Xasan sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore Soomaaliya. Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore dowladii kumeelgaarka aheyd Cumar Cabdirashiid Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya. Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti Uhurru kenyata Madaxweynaha Kenya […]

Continue Reading

AKHRISO: Jadwalka Caleemo Saarka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhaceysa Munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo). Munaasabada Caleemo Saarka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa deriska la’ah Soomaaliya, Xubnaha Beesha Caalamka, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaar, Madaxweynaha […]

Continue Reading

Sawirro: Sh. Maxamed Shaakir oo ka qeybgalaya Caleemasaarka Madaxweynaha

Hogaamiyaha maamulka Ahlu sunno Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, Sheekha ayaa ka qeyb galaya caleemasaarka Madaxweynaha cusub Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo beri  ka dhaceysa magaalada Muqdisho. Hogaamiye shaakir ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Madax iyo saraakiil ciidan oo dowlada ka tirsan. Dowlada Soomaaliya ayaa casuumaad u […]

Continue Reading