Alshabaab oo Dhaqdhaqaaq xooggan ka wada koofurta Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya koofurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanada Ceel cabdi iyo Saddex geed xarar oo hoosta taga degmada Xarardheere, ayaa sheegaya in ay halkaas dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan ururka Alshabaab, ciidamadan oo aad u badan ayaa wata gaadiid isugu jira waaweyn iyo yar yar.

ciidamadan ayaa goordhow jaray wadada isku xirta Magaalooyinka Ceelhuur iyo Camaara, waxa ayna ka jareen deegaanka isbayrka Cadaleey, Bulshada dagan Magaalooyinka Ceelhuur iyo Camaara ayaa cabsi xooggan soo wajahday, wax ayna ka cabsi qabaan in Alshabaab gacanta ku dhigaan deegaanadooda.

Lama oga halka ay u dhaqaaqi doonaan ciidamadan, waxaana suurtagal ah in ay hawada ka saaraan isgaarsiinta deegaanadaas, Alshabaab ayaa inta badan marka ay qabsadaan deegaanada aysan horey u maamuli jirin, dhaca xoolaha, iyagoo dila dad ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan maamulka Galmudug.

dhawaan ayaa deegaanada ay shabaabku isku fidiyeen waxaa gaaray ciidamada isugu jira Ajnabi iyo Soomaaliya, kuwaas oo dib ugu laabtay magaalada Galkacyo.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com