Dhakhtar Caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa xalay gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen dhaqtar si weyn looga yaqaanay degmadaas. Dilka loo geystay dhaqtarka ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ah ay sheegeen inuu sigaar ah uga dhacay agagaarka halka loo yaqaano Suuqa Miijiska ee Yaaqshiid, waxaana uu u geeridooday rasaas looga dhuftay qeybaha […]

Continue Reading

Xaaf oo dib ugu laabtay Gaalkacyo

Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug. Xaaf oo 6 bishan tagay Dhuusamareeb ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo masuuliyiin kale, waxaana Xaaf goobtii soo dhaweynta ka sheegay in u tanaasulay danta Galmudug, lagana gudbay xurguftii siyaasadeed. Mudane Xaaf ayaa intii uu ku […]

Continue Reading

Nin Xaaskiisa dilay oo gacanta lagu soo dhigay

Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Nin Xalay Xaaskiisa ku dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, Ninkaasi oo Ciidamada Booliska ee Magaalada Baladweyne, ay gacanta ku soo dhigeen. Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Shukri Indhacad ayaa ka mid ah aheyd Ganacsata Jaadka (Qaadka) ku Iibisa gudahaMagaalada Baladweyne. Haweeneyda la dilay iyo Seygeeda […]

Continue Reading

MD Farmaajo oo cafis u fidiyey 148 Maxbuus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya dadaallada ku aaddan ka hortagga cudurka Koroona ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud. Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleymaan […]

Continue Reading

Maxaa ka soo baxay Kulankii xalay ee Wasiirada iyo Xildhibaannada Hawiye?

Waxaa xalay ka dhacay Hotelka Maa’ida (Ex Hotel Naasahablood 2) ee magaalada Muqdisho kulan u dhaxeeyay Wasiirada, Xildhibaannada iyo Senatarada ka soo jeeda Beelaha Hawiye, kuwaasoo isugu jiray Mucaarad iyo Muxaafad, waxaana uu ahaa kulankii u horreeyay oo dhex maray labada dhinac. Kulankan ayaa fikirkiisa iyo abaabulkiisa waxaa lahaa Xildhibaannada Mucaaradka ah, kuwaasoo soo jeediyay […]

Continue Reading

Caleemasaarka Madaxda Galmudug oo dib loo dhigay

Guddiga Qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020. Guddigu wuxuu go’aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda […]

Continue Reading

Mareykanka oo ka hadlay Xaaladda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Warbixin sanadle ah, oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka kasoo saartay xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Warbinta ayaa eedeymo culus loogu jeediyey dowladda federaalka, si la mid ah kooxda Al-Shabaab. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamadda dowladda Soomaaliya, Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo ay ku kaceyn xadgudubyo waa weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay […]

Continue Reading

Xukunka Askari u dilay xoogsade in uu ku beer fasho

Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo  dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha  oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31 October sanadkii tegay. Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku  wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019  Xafiiska […]

Continue Reading

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH OO KU SAABSAN XAALADDA GEDO

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin. Waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ishaya inay is xakameeyaan, ay yareeyaan ciidamada amniga ee […]

Continue Reading