Maxaa ka soo baxay Kulankii xalay ee Wasiirada iyo Xildhibaannada Hawiye?

Wararka Maanta

Waxaa xalay ka dhacay Hotelka Maa’ida (Ex Hotel Naasahablood 2) ee magaalada Muqdisho kulan u dhaxeeyay Wasiirada, Xildhibaannada iyo Senatarada ka soo jeeda Beelaha Hawiye, kuwaasoo isugu jiray Mucaarad iyo Muxaafad, waxaana uu ahaa kulankii u horreeyay oo dhex maray labada dhinac.

Kulankan ayaa fikirkiisa iyo abaabulkiisa waxaa lahaa Xildhibaannada Mucaaradka ah, kuwaasoo soo jeediyay in xubnaha beesha uga jira Xukuumadda iyo labada gole isugu yimaadaan shir looga hadlayo arrinta Koofur Galbeed, gaar ahaan Liiskii Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed oo beeshu saluugtay saamiga laga siiyay.

Ilo wareedyo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in la iskula soo qaaday sidii tabashada beelaha Hawiye ee kuraasta Xildhibaannada laga siiyay Koofur Galbeed si midnimo leh loogu doodo.

Shirka ayaa laga soo saaray in Guddi ka kooban 13 xubnood loo saaray sidii Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ugala soo hadli laheyd saamiga beesha ka maqan iyo tabashadooda, maadaama kuraasta guud ee la siiyay Beelaha Hawiye ay aheyd 9 kursi, halka Baarlamaankii hore ay ka aheyd 20 kuraas.

Guddiga ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda safar ku tagaan magaalada Baydhabo si ay ula kulmaan Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaa kaloo Guddiga kala hadli doonaan arrimahan Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, maadaama Hirshabeelle xuduud la leedahay Koofur Galbeed, dano badan ay wadaagaan.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay in la sii wado kulamadan oo kale, lana ballaariyo ahmiyadaha iyo qadiyadaha beesha, waxaana la isku waafaqay kulamada soo socda lagu soo biiriyo xubnaha shirkii xalay ka maqnaa sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye.

Ugu dambeyn Wasiirka Ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa dhigay gogosha xigta ee Mas’uuliyiinta beelaha Hawiye ku matala dowladda Federaalka, si ay uga wada hadlaan qadiyado kale.

Xigasho: Jowhar News