Shaqooyinkii Safaaradda Somalia ee Turkiga oo la joojiyey

Wararka Maanta

Waxaa la joojiyey Howlihii shaqo ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkigu u Qaban Jirtay Shacabka Soomaaliyeed (24-ka Bisha Maarso, ilaa 05-ta Bisha April ) Sababo la Xiriira ka hortaga Caabuqa CoronaVirus oo Saamayn ballaaran ku yeeshay dalalka Caalamka, iyadoo dalka Turkiga laga helay kiisas kor u dhaafaya 1000 ruux, isla markaana ay jiraan dad u geeriyooday Xanuunkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa sheegay in la hakiyey shaqooyinkii ay Safaaradda Soomaaliya u qaban jirtay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo muhiimada koobaad la siinayo badqabka shacabka Soomaaliyeed, lana tixgelinayo tallooyinka dhinaca Caafimaadka ee dowladda Turkiga.

Danjire Caydiid ayaa xusay inay dadka Soomaaliyeed ee u baahan adeegyadda degdeg ah, ee aan laga maarmi karin wakhtiga la hakiyey howlihii shaqo ee saafaradda ay tixgelin doonaan codsigooda, isla markaana ay diyaariyeen goobo ay kala soo Xiriiraan Howl-Wadeenadda Safaaradda.

Dhinaca kale Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga ugu baaqay inay qaataan tallooyinka Caafimaad ee Dowladda Turkigu ay siisay, isla markaana ay ku Negaadaan/Joogaan Guryahooda, hadii aysan jirin howl aysan ka maarmi karin.

“Waxaan kula talinayaa Bulshada Soomaaliyeed ee degan dalka Turkiga inay u hoggaansamaan tallooyinka Caafimaadka ee loo soo jeedinayo, aniga hada Guriga ayaan joogaa oo fariintan ka soo dirayaa, dhammaan dadka Soomaaliyeed waa inay taxadar weyn muujiyaan, oo aan loo arkin dad aan dhegaysanayn waanooyinka iyo tallooyinka kasoo baxaya Xukuumadda Turkiga”ayuu yiri Danjire Caydiid.