Xaaf oo dib ugu laabtay Gaalkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.

Xaaf oo 6 bishan tagay Dhuusamareeb ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo masuuliyiin kale, waxaana Xaaf goobtii soo dhaweynta ka sheegay in u tanaasulay danta Galmudug, lagana gudbay xurguftii siyaasadeed.

Mudane Xaaf ayaa intii uu ku sugnaa Dhuusamareeb wuxuu la kulmay Madaxda Galmudug iyo xildhibaanada Federaalka ee halkaas ku sugan, waxaana la filayey in maanta ilaa caawa la qabto munaasabad kooban oo Madaxweyne Xaaf xilka ku wareejiyo, inkasta oo ay baaqatay kadib safarkaan deg deg ah ee Xaaf ku aaday Gaalkacyo.

Ujeedada Safarka Xaaf ayaa si rasmi ah loo ogeyn, waxaana masuuliyiin ku dhow ay inoo sheegay in Xaaf Gaalkacyo u tagay howlo u gaar ah, uuna dhawaan dib ugu laaban doono magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug.

Qaar ka mid siyaasiyiinta saaxiib la ah Madaxweyne Xaaf ayaan ku qanacsaneyn tanaasulka uu sameeyey, iyagoo u arka inuu si raqiis ah u gatay halgankii siyaasadeed ee ay kuwada jireen, waxayna qaarkood ku hareen magaalada Gaalkacyo.