Warbixin sanadle ah, oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka kasoo saartay xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya.
Warbinta ayaa eedeymo culus loogu jeediyey dowladda federaalka, si la mid ah kooxda Al-Shabaab.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamadda dowladda Soomaaliya, Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo ay ku kaceyn xadgudubyo waa weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dilal ka baxsan sharciga dad rayid ah loo geystay.
Ciidamadda dowladda ayaa sidoo kale lagu eedeeyey mas’uuliyadda dad la waayey, jirdil, falal cadowtooyo, kuwa ka baxsan bani’aadannimada iyo dhaqan liidid ama ciqaab ah, si la mid ah maleeshiyada Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleydyo.
“Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada waxay geysteyn xarigyo ay ka dambeyso siyaasad oo ay ku jiraan kuwa ka dhan ah suxufiyiinta,” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.
Warbixinta ayaa sidoo kale dowladda ku eedeysay ficillo dhowr oo musuq-maasuq ah, xadidaadda iyo is-hortaagga in dadka ka qeyb galaan hanaanka siyaasadda iyo si qaldan ugu adeegsashada caruurta askar ahaan, si la mid ah maleeshiyadda Ahlu-Sunna iyo maleeshiyo beeleedyada.
Dhanka kale, warbixinta ayaa si gaar ah ugu eedeysay Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna rabshado ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha, taasi oo qeyb ahaan sabab looga dhigay ficil la’aanta dowladda federaalka ah.
Maleeshiyo beeleedyadfa iyo Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyey inay sii wadaan xadgudubyo waa weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadana. Warbixinta ayaa si gaar ah Al-Shabaab ugu eedeysay inay fulisay xad gudubyada ugu darran xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gudaha Soomaaliya.