Sawirro: Musharax Axmed Shariif oo la kulmay safiirka Turkiga

Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Shariif ayaa Muqdisho kula kulmay safiirka Turkiga Oglan Bekar. Labada masuul ayaa kawada hadlay arimaha doorashada Galmudug oo la filayo in ay magaalada Cadaado ka dhacdo 30 bishaan. Sidoo kale waxay kawada hadleen sidii Turkigu gacan uga geysan lahaa gargaarka abaaraha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug. Musharax Axmed ayaa ka mid […]

Continue Reading

Akhriso: Jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug

Kadib markii 8 bishaan  ay heshiis Cadaado ku gaareen dowlada Federaalka iyo maamulka Galmudug oo ku saabsanaa in doorashada Madaxweynaha Galmudug dib loo dhigo ilaa 30 bishan, ayaa isla maalintaas 8 April Guddiga doorashadu soo saareen jadwalka doorashada oo ka bilaababaya shalay oo aheyd 23 April, wuxuuna ku eg yahay 30 April oo ah maalinta […]

Continue Reading

Maxkamada Ciidamada dil ku fulisay 4 Nin

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa xukun Dil ah ku fulisay maanta oo Isniin ah  4 Nin oo ka tirsan  Alshabaab, kuwaa soo ka dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Baydhabo Sanadkii hore. Fagaaraha lagu toogtay Afartan nin ayaa waxaa ku sugnaa Madaxda Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. […]

Continue Reading

Warbixin: Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunno

Waxaa saacado ka harsan yihiin xilligii loo qorsheeyey in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee muddo ka taagnaa gobolada dhexe. Dowlada Federaalka ayaa dadaal badan wadda sidii loogu guuleysan lahaa dhameynta khilaafkaas, qorshaha wada hadalka ayaa ahaa in dowlada Federaalku Ahlu sunno la meel  dhigto saamiga laga siinayo Galmudug, kadibna markii ay wax isku soo […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ee dowlad goboleedka koofur Galbeed. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, […]

Continue Reading

Gen. Cali Gaab oo dardar cusub galiyey ciidamada Taraafikada

Taliyaha cusub ee ciidamada Taraafikada Gen. Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa dardar cusub galiyey ciidamadda Taraafikada, waxaana wadooyinka Muqdisho laga dareemayaa howlgalada ciidamada ay ku baacsanayaan darawalada khilaafa sharciga wadooyinka. Gen. Cali Gaab oo muddo badan  madax usoo ahaa ciidamada Taraafikada, ayaa dhawaan dib loogu soo celiyey xilkaas, waxaana lagu xasuustaa sida uu u […]

Continue Reading

Dowladda oo ku dhawaaqday xilliga la galayo imtixaanka Dugsiyada Sare

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Soomaaliya C/raxmaan Dahir Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Imtixaanka Shihaadiga ah ee dugsiga Sare uu bilaaban doono 20  May Bisha ee sanadkaan. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in imtixaanka uu ka bilaaban doono gobolka Banaadir , Hirshabeelle, Jubbaland ,Koonfur Galbeed iyo Galmudug. C/raxmaan […]

Continue Reading

Puntland oo xirtay wariye Abshir Dhiirane

Ciidamo Ka Tirsan Puntland ayaa Xabsiga Utaxaabay Saaka  Tafatiraha warsidaha Puntland Post  Abshir Dhiirane, xili uu ku sugnaa Goobtii shaqo magaalada Garowe caasimadda maamulka Puntland. Lama oga xariga loo gaystya Abshir dhiirane Sababta ka danbaysa iyo waxa uu salka ku hayo. Ciidanka ammaanka ayan  weli  wax faah faahin kama aysan bixin xariga Tafatiraha warsidaha Puntland […]

Continue Reading

Sawirro: Maxkamadda Ciidamada oo toogatay Askari dilay Nin rayid ah

Askariga saakay dilka toogashada ah lagu fuliyay waxaa uu horay u dilay tima jare oo uu ugu tagay goobtiisa ganacsi, tima jaraha ayaa la oran jiray Maxamed Cali Cabdalla , waxaana ay ku murmeen in isaga laga hormariyo macaamiisha kale, muran dheer kadib Ex-A-le- Bol. Axmed Cabdi Maadeey waxaa uu si bareer ah u toogtay […]

Continue Reading