Warbixin: Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunno

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa saacado ka harsan yihiin xilligii loo qorsheeyey in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee muddo ka taagnaa gobolada dhexe.

Dowlada Federaalka ayaa dadaal badan wadda sidii loogu guuleysan lahaa dhameynta khilaafkaas, qorshaha wada hadalka ayaa ahaa in dowlada Federaalku Ahlu sunno la meel  dhigto saamiga laga siinayo Galmudug, kadibna markii ay wax isku soo dhaweeyaan, in dowladu Galmmudug kala hadasho awood qeybsigaas, sidaas marka ugu dambeysa qodobo heshiis lagu yahay labada dhinac u kala saxiixan lahaayeen.

Sidee wax u dhaceen?

Ahlu sunno iyo dowladda ayaa kulamo badan qaatay, ma na jiraan natiijo la taaban karo oo kulamadaas ka soo baxay, waxaana Ahlu sunno dood adag ka dhigeen in dowladu ka qanciso shuruudaha ay ka doonayaan, kadibna loo gudbo wada hadalka Galmudug, arintaas oo waqti badan qaadatay.

Is jiijiid dheer kadib Ahlu sunno ayaa lagu qanciyey in ay guddi wada hadal soo saaraan, waxayna magacaabeen guddi ka koobaan 7 xubnood, oo ay ku jiraan Saadaq Sh. Yuusuf iyo Prof Daacad.

Ahlu sunno ayaanan wali soo bandhigin awood qeybsiga Galmudug, waxaana rajada wada hadalada ku xiran yihiin saacadaha soo socda, oo haddii ay suurtagali wayso in wada hadalku bilowdo, ay u badan tahay in Barlamaanka Galmudug guda galaan arimaha doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladu Galmudug ka dalbatay in ay sugaan ilaa 28 bishan, oo haddii ay wada hadaladu natiijo laga gaari waayo loo fasaxayo in ay doorashada qabsadaan.

Wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com