Dowladda oo ku dhawaaqday xilliga la galayo imtixaanka Dugsiyada Sare

Wararka Maanta WAXBARASHADA

FB_IMG_1492930889477

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Soomaaliya C/raxmaan Dahir Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Imtixaanka Shihaadiga ah ee dugsiga Sare uu bilaaban doono 20  May Bisha ee sanadkaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in imtixaanka uu ka bilaaban doono gobolka Banaadir , Hirshabeelle, Jubbaland ,Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

C/raxmaan Dahir Cusmaan ayaa xusay in ka badan 23 kun oo arday in ay imtixaanka geli doonaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay tahay guul in sanadkii 3-aad ay dowladda Soomaaliya ay imtixaan qaado.