Madaxda Galmudug oo isku khilaafay taageerada Sucuudiga (Aqriso)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxda sare ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa isku khilaafsan waxa laga yeelayo khilaafka wadamada Khaliijka, warqad kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug oo xafiiska warbaahinta Madaxtooyada la wadaagay saxaafadda ayaa lagu taageeray Wadamada Sucuudiga iyo Imaaraatka carabta.

Dhanka kale Waxaa Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka Galmudug Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi , Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal iyo ku xigeenkiisa Maxamed Maalin, masuuliyiiintaan ayaa sheegay in warqada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha ay ku arkeen warbaahinta. iyagoo sheegay inaanan lagala tashan golayaasha maamulka Galmudug. sidaas daraadeedna aysan ansax aheyn.

Masuuliyiintaan  ayaa sheegay in ay ku mowqif yihiin dowladda federaalka ah, ayna dowladda dhexe masuul ka tahay go’aan ka gaarista siyaasadda dibadda. Madaxweyne Xaaf ayaa mudooyinka ku sugnaa Magaalada Nairobi dalka Kenya, waxaana muuqata in arintan dhabar jab ku tahay Mowqifkii uu qaatay.