Madasha aragti wadaaga soomaalida oo Jabuuti ka furantay

Shirka Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa goordhow waxa uu ka furmay Guriga Ummada ee dalka  Jabuuti. Shirka ayaa  waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socota dowladda Jabuuti, dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad deegaanka Soomaalida, Soomaaliland, Ururada Bulshada Rayidka […]

Continue Reading

Akhriso:Nuxurka khudbadii RW Khayre ka jeediyay madasha 19aad ee Doxa

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa khudbad ka jeediyay madasha 19-aad ee Dooxa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Khudbadiisa uga hadlay dowrka ganacsatada ee badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka, fursadaha dalka ka jira, sharciyada ganacsiga dhiirri gelinaya ee dowladdu meel marisay iyo rejada laga qabo in Soomaaliya ay noqoto jiha ay dunidu kusoo hirato. […]

Continue Reading

Golaha shacabka oo su’aalo waydiinaya wasiirka warfaafinta

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa goordhow bilaabay inay su’aalo weydiiyaan Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hortagay baarlamaanka. Kulanka su’aalo weydiinta Wasiirka Warfaafinta oo isagaba ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey. Su’aalo la weydiinayo Wasiir Maareeye ayaa la xiriira howlaha shaqo […]

Continue Reading

Deni oo qaadacay sharciga doorashooyinka ee baarlamaanka horyaala

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Maamulkiisu uu qaadacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Baarlamanka federalka Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland aan wax wada tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan […]

Continue Reading

Khayre oo Doxa kula kulmay dhigiisa dalka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xasa’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dowladda Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah. Ra’iisul wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha, oo bogaadiyay […]

Continue Reading

Dowlada Maraykanka oo soodhawaysay heshiiska laga gaaray arimaha Galmudug

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca (ASWJ). War saxaafadeed uu soo saaray Donald Yamamoto ayuu ku sheegay in dowladda Mareykanka ka go’an tahay inay taageerto dadaaladan, isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni. “Mareykanka […]

Continue Reading

Akhriso: Heshiis laga gaaray Arrimaha Galmudug (Ahlusuna oo loo ogolaaday 20-kursi…)

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ee ku aadanaa arrimaha dhismaha Maamulka Galmudug.   Wada hadalo maalmihii la soo dhaafay u socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa kama dambeys waxaa saaka laga gaaray heshiis buuxa, iyadoo la xaliyay tabashooyinkii […]

Continue Reading

Deg deg:Al-shabaab oo weerar dhowr jiho ah ku qaaday xerada Hiil wayne ee ciidanka XDS

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay caawa weerar ku qaadeen Xerada Hiilweyne, halkaasoo ay xarun u aheyd Ciidan ka tirsan Xoogga dalka. Sida wararku sheegayaan Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray xerada, waxaana wararka qaar sheegayaan inay gudaha u galeen. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya […]

Continue Reading

Dowlada oo ku dhawaaqday in lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday Hotel SYL

Hadda oo ay saacadda Afrikada bari tahay 2:00-am ayay dawladda Soomaaliya sheegtay in ay soo afjartay weerarkii Hotel SYL caawa fiidkii lagu qaaday. Dawladda ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen shan qof oo laba kamid ah ay yihiin askarta dawladda, laba kalana shacabka, halka qofka kale uu ahaa garsoore maxkamaddeed. Sidoo kale dawladdu waxay […]

Continue Reading