Golaha shacabka oo su’aalo waydiinaya wasiirka warfaafinta

Wararka Maanta

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa goordhow bilaabay inay su’aalo weydiiyaan Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hortagay baarlamaanka.
Kulanka su’aalo weydiinta Wasiirka Warfaafinta oo isagaba ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey.

Su’aalo la weydiinayo Wasiir Maareeye ayaa la xiriira howlaha shaqo ee wasaarada gaar ahaan qeybta taleefishinka Qaranka oo xildhibaanada dalbaday in uu horyimaado baarlamaanka ku eedeeyeen inaysan dhexdhexaad u ahayn arrimaha dalka gaar ahaan xildhibaanada.