Askartii Itoobiyanka oo dib loogu celiyey dalkooda (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta barqadii gaaray deegaanka Galinsoor ee degmada Cadaado, wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamuud Sabriye.

Wafdigan ayaa kulan la qaatay dadka deegaanka, waxaana wadahadal dheer la isku afgartay in Labadii askari ee itoobiyaanka aheyd ee lagu qabtay dagaalkii Kaxandhaale dib loogu celiyo dalkooda, balse dadka deegaanka ayaa ka biyo diiday in Wafdiga dowladda ay si toos ah ugu wareejiyaan maxaabiista, iyagoo ka baqayey in wafdigan Maxaabiista u qaadaan dhanka Muqdisho.

Dadka Deegaanka iyo wafdiga ayaa markii dambe isla gartay in Maxaabiistaan lagu wareejiyo Odayaal kasoo jeeda deegaanka oo ka yimid dhanka jiga iyo saraakiil ka socotay itoobiya. waxaana galabta markii ay wafdigu isku dayeen in ay u dhaqaaqaan Kaxandhaale lagu rasaaseey afaafka Galinsoor, inkastoo markii dambe la xaliyey shaqaaqadaas.

Wafiga Dowladda ayaa kasoo laabtay meel u dhaxeysa Galinsoor iyo Kaxandhaale, kadib markii lagu wargeliyey in diyaarad Helicopter ah oo qaadi laheyd Maxaabiistan in ay duushay, balse Odayaashii deegaanka ayaa tagay halka loo yaqaano Deeqle oo u dhow Kaxandhaale, waxayna Askartii Maxaabiista aheyd ku wareejiyeen Odayaal iyo saraakiil ka yimid Jig jiga.

Wafdigii Dowladda ayaa caawa dib ugu soo laabtay Cadaado iyagoo gacmo maran, waxaana dadka deegaanku doonayaan in xal rasmi ah laga gaaro colaadda kusoo laalaabatay deegaanada Gobolka Galgaduud la wadaago Soomaali Galbeed.

ilo xog-ogaal ayaa inoo sheegay in ay suurtagal tahay in wafdiga Dowladda Beri tagaan deegaanka Kaxandhaale, halkaasna ay kula kulmi doonaan masuuliyiin ka socda Dowladda itoobiya.