Maxaa laga filan karaa Dhuusamareeb?.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa ku wada sugan labo guddi farsamo oo ay kala magacaabeen Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS iyo Sheekh Shaakir.

Arintaan ayaa muujinaysa inuu joogsaday Wadahadlkii labada Dhinac (Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe), waxaana mid kasta si gaar ah u wataa howsha Dhismaha Galmudug. Waxay Dowladdu howsha ku wadataa xarunta Shiirkole, halka Ahlu Sunna ay fadhiisin ka dhigteen xarunta Inji.

Dadka siyaasadda Falanqeeya ayaa aaminsan in talaabooyinka labada Dhinac ay dhawaanahaan qaadeen ay uga gol leeyihiin ismuujin. Waxayna u badan tahay in ay ku dhamaato wadahadal, dhinackastana uu dhimo shuruduuha uu wato.

Qorshaha Dowladda

Dowladda Federaalka ayaa Qorsheynaysaa in ay Galmudug u dhisato sida ay jeceshahay (Doorashada 2021), laakiin arintaas ma ahan mid sahlan, waxaana jira caqabado aan la dhayalsan karin oo ku horgudban arintan, sida Ahlu Sunna, Musharaxiinta iyo beelaha Galmudug.

Dowladda ayaa ku wargelisay odoyaasha soo xulaya xildhibaanada Galmudug in ay waqti kooban ku xaadiraan Dhuusamareeb, waana talaabo muujinaysa in Dowladdu doonayso in dhaqso ah ku dhisto maamul cusub, laakiin howsha dhismaha Galmudug uma fududa sida loo maleynayo.

Kooxda ugu adag ee qorshaha Dowladda wax ka badali karta waa Ahlu Sunna, Dowladda ayaana isku dayeysa in marka hore howsheeda iska wadato, kadibna Ahlu Sunna lagu xaliyo lacag iyo xilal kooban (12 Xildhibaan iyo jagooyin Dowladda Dhexe), waana qorshihii ay dowladdu u adeegsatay Shariif Sakiin iyo Xaaf.

Dhankale Dowladda ayaa ciidamo cusub oo milatari ah ku diyaarinaysa xerooyin ku yaala Guriceel iyo deegaano u dhaxeeya Cadaado iyo Dhuusamareeb, ciidamadan ayaa Dowladdu sheegtay in lagula dagaalamayo Alshabaab, inkastoo dad badan aaminsan yihiin in ay suurtagal tahay in lagu maquuniyo kooxaha siyaasad ahaan kasoo horjeeda qorshaha Dowladda Dhexe. Arintaan ayaa sababi karta gacan ka hadal.

Qorshaha Ahlu Sunna

Ahlu Sunna oo muddo ka badan 10 sano soo maamulaysay Qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan Magaalada Dhuusamareeb oo la doonayo in Galmudug dib loogu dhiso, ayaa isu arka ay iyagu yihiin cidda mudan in ay hogaamiso dhismaha Galmudug. Waan koox taageerayaal muuqda ku leh deegaanka, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey wadaan in ay dib isku abaabulaan.

Waxayna qorsheeyeen inaysan galin dagaal aan la sadaalin karin natiijadiisa, balse taas badalkeeda ay qaadaan talaabooyin siyaasadeed oo lid ku ah howsha Dowladda ka waddo Dhuusamareeb. Arintaas oo Dhalin doonto in ugu dambeyn wax loo ogolaado ama dagaal laga fursan waayo.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa damacsan in ay guddiga ay magacaabeen ay horgeeyaan Barlamaankooda, kadibna ansixiyaan, waxaana xog aan helnay xaqiijinaysaa in ay Ahlu Sunna ay dooneyso in ay dib usoo celiso maamulkii Gobolada Dhexe, laakiin markaan wata magaca Galmudug, hoggaan looga dhigo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Gabangabadii

Dhanka kale qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ayay muuqataa in ay loolan adag kula jiraan Qorshaha Dowladda ee ah la maquuniyo ciddii ka fikir Duwan. Iyagoo Musharixiinta doonayaan in ay talo wadaag lagu dhiso, lagana qeyb galiyo talada Dhismaha Galmudug cusub.

Beelaha Galmudug ayaa doonaya in la dhiso maamul salbalaaran, oo talo wadaag lagu dhiso, casharna laga barto dhacdooyinkii hore, sidoo kale la xaliyo tabashada beelaha qaar.

Natiijada howsha ka socota Dhuusamareeb ayay adag tahay in la sadaaliyo, madaama labada garab ee ugu adag ee isku hayo halkaas (Dowladda iyo Ahlu Sunna) midkoodna aan looga baran in ay u tanaasulaan danta guud.