Gidheys: Xarunta Dhalmada Hooyada uurka leh oo la dhagax dhigay (Daawo)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirkii hore Arimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa iyo gudoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Tootoole ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay xarunta Dhalmada Hooyada Uurka leh deegaanka Gidheys ee degmada Cadaado.

Xaruntan ayaa waxaa dhisaya Jaaliyadda Dibadda ee kasoo jeeda deegaankan, Farxaan Maxamed Dhoore oo wakiil ka ahaa Jaaliyadda ayaa balan qaaday in jaaliyaddu bixin qarasha dhismaha xarunta oo ka kooban Saddex qol, musqulo iyo deyr.

halkaan ka daawo Muuqaalka