Askari Wiil Arday ah ku dilay Magaalada Beledweyne

Wararka Maanta

Ciidamada Ammaanka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa gacanta kusoo dhigay Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya , kasoo xalay wiil Arday ah ku dilay gudaha Magaalada Baledweyne. Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Bundaweyn,Waxaana ruuxa la dilay lagu magacaabi jiray xasan cabdule maxamed.

Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa aad uga naxay dadka reer Beledweyne, waxaana uu ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon magaalada. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in wiilka ardayga uu sanadkii u dambeeyay dhiganayay Jaamacad ku taal magaalada Beledweyn.

Carab Nuur Shabeel oo ah  madaxa howlgalinta ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa Risaala u sheegay in ruuxa la dilay uu isku dayay in uu baxsado ka dibna la toogtay. Waxaa uu sheegay in Askarigii dilka geystay in ciidamada Ammaanka ay qabteen,islamarkaana ay Sharciga marsiin doonaan.