Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay Arturo Vidal u ogolaanayso xagaagan inuu ka tago ka dib markii uu xaqiijiyaan Leon Goretzka oo ka imaanaya Schalke 04.
Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu dib ula midoobo xiddiga reer Chile, kaasoo uu tababaraha reer Talyaani la shaqeynayay intii uu joogay Juventus.
Manchester United ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay udub dhaxaad u tahay Vidal iyadoo Jose Mourinho uu doonayo inuu sii xoojiyo qadka dhexe.
Sida laga soo xigtay jariirada Jarmalka ee Bild, imaanshiyaha Goretzka ee Allianz Arena dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa Vidal u fududeyn karta, Bavarians ayaana ku faraxsan inay 30 jirkaan ku raadinayaan meel cusub.
Vidal ayaa 115 kulan u saftay Bayern tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Juventus sannadkii 2015, isagoo dhaliyay 22 gool sidoo kale 18 caawinaad sameyay.