Guddoomiye Mursal “Ma jirto wax muddo kororsi ah”

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa meesha ka saaray walaacii ka dhashay dib u dhicii ku yimid furitaankii Kalfadhiga 7aad ee labada Aqal, kaasoo siyaasiyiin badan ku macneeyeen inay bilow u tahay qorshe la doonayo in muddo kororsi loogu sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus darteed dib loogu dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad, isagoo xusay in doorashada waqtigeeda lagu qaban doono.

Waxaa uu meesha ka saaray suurta-galnimada in la sameyn doono muddo kordhin, gaar ahaan muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka.

“Dalku sharci iyo dastuur ayuu leeyahay meel ay kaga qoran tahay mudo kororsi ma jirto baarlamaanka iyo Guddoonkiisuna kuma fekerayo inuu mudada korarsado xaqna uma leh muddada xil-heynta baarlamaanka waa 4 sano, qodobka 91aad ee dastuurka markaad fiirisana wuxuu dhigayaa in xil-heynta Madaxweynaha ay tahay 4 sano. Marka ma jirto meel ay baarlamaanka ugu bannaan tahay inay xilka korosadaan, baarlamaankuna hadda uma diyaar garoobayo inuu xil kororsadee wuxuu u diyaar garoobayaa in shuruucdii dhinneyd uu dhammeystiro”ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Qoraal si wadajir ah ay maalin ka hor u soo saareen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka waxay ku shaaciyeen in dib loo dhigay furitaankii kalfadhiga 7aad oo ku beegnaa 20-kii bishan, waxaana taasi ay keentay walaac badan oo ku aadan inuu jiro qorshe muddo kororsi ay dowladdu ku sameysaneyso.

Xigasho: Jowhar.com