Aqalka sare Oo go’aanka Dhacdadii Qalbi dhagax kusugaya Golaha Shacabka

Wararka Maanta

Fadhigii maanta ee Golaha Aqalka Sare oo qorshuhu ahaa in mudanaayshu ka doodaan Dhacdadii C/kariin Muuse Qalbi dhagax oo Xukuumada Khayre u gacan galisay Ethiopia ayaan maanta wax go aan ah aysan ka gaarin Sax iyo Qalad ahaan shaheeda

Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey in aysan ka doodin go’ankii xukumadda ee Arrinta Qalbi dhagax.

Shalay ayey ahayd markii guddoonka aqalka Sare uu ku dhawaaqay in  manta ay aqalka sare ka doodi doonaan Go’aanka xukumadda balse saka xildhibaano kale ayaa keenay Motion ku saabsan in aysan Sharciyan lahayn ka doodista Arrintaan balse ay u taallo Golaha shacabka oo leh la xisaabtanka xukumadda.

Intaa ka dib cod ayaa la galiyey  waxaayna isku raceen  tirada ugu badan xildhibanadda aqalka sare in ay ka war sugaan go’anka golaha shacabka Soomaaliya.

Lama oga go aanada ay dhacdadaan kasoo saari doonaan Golayaasha Baarlamaanku Xili Xukuumadu dhiibtay Muwaadinka Soomaaliyeed ee Qalbi dhagax ayna ku adkaysatay in ay  qaaday tilaab sax ah

 

Ali Abdiwahab Aden

Ceelhuuronline