Amisom oo dad Rayad ah ku Xasuuqday Lafoole

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah ku laayeen deegaankaas, kaddib markii qarax lala eegtay kolonyo ay la socdeen oo ku safrayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kaddib ay is rasaaseyn dhex martay Ciidamada AMISOM iyo koox hubeysan oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo jidka u galay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay gudaha u galeen Xaafada deegaanka Lafoole, halkaasoo rasaas laga maqlayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay si ula kac ah u toogteen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Lafoole.

Waraar madax banaan ayaa sheegaya in dadka ay  dileen Ciidamada AMISOM ay gaarayaan tobaneeyo ruux oo rayid ahaa.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta deegaanka Lafoole, iyadoo rasaas laga maqlayo xaafadaha oo ay gudaha u galeen Ciidamada AMISOM.

Waxaa istaagay isu socodkii gaadiidka ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaa la soo sheegayaa in Ciidamada AMISOM uu soo gaaray khasaare kala duwan.