Maxkamadda Sare Dalka oo dib u dhigtay dhageysiga Dacwadii Madaxda Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maxkamadda Sare ee dalka oo maanta 25 Oktoobar la filayey in ay guda gasho dacwad ka dhan ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa qoraal kooban oo ay soo saareen ku sheegeen in dib loo dhigay dacwadii ka dhaxaysay Madaxda Sare Galmudug.

Qoraalka Maxamaddda ayaa u qornaa sida :” MAXKAMADDA SARE EE DALKA  WAXAY DIB U DHIGTAY DHAGAYSIGA DACWAD KA DHAXEYSAY. Guddoomiyaha Barlamanka Dowlad Gobaleedyada Gal Mudug. Dacwoode.

Lid : Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Gal Mudug iyo Guddoomiye K/xigeenka 1aad Golaha Baarlamanka Dowlad Gobaleedka Gal Mudug Dacweysanayaal, Maxkamada Waxaa codsi u keensaday Dhanka Dacwoodayasha in dib loogu dhigo dhagaysiga dacwada. Maxkamadda Sare Ee Dalka Waxey dib Kasoo sheegi doontaa dhageysiga Dacwada.

Khilaafka Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa wali lagu kala bixin, waxaana suurtagal ah in waqti kale sii qaadato, Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha Barlamaanka ayaa wali ku xayiran xarunta Madaxtooyada Magaalada Cadaado.