AlShabaab oo xalay weerar ku qaaday degmada Afgooye

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal xalay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo ururka Al-shabaab ku dhexmaray xaafado ka mid ah degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo Howlgal ka sameynayay Aagga Magaalada ay weerar ku soo qaadeen xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab.

Ciidanka Dowladda iyo Shabaab ayaa halkaasi waxaa ku dhexmaray Dagaal culus oo rasaasta la isku adeegsaday laga maqlayay xaafado ka tirsan degmada, kaasi oo socday saacad iyo wax ka badan.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa soo gaaray dhinacyadii dagaalamay ee Ciidanka Dowladda iyo Shabaab, sidoo kale waxaa dagaalakan uu waxyeelo ka soo gaaray dad shacab ah oo ku nool degmada, kuwaasi oo rasaasta ay ugu tagtay guryahooda.

Guddoomiyaha degmada Afgooye C/naasir Caalim Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday, wuxuuna tilmaamay in weerarka ay ku dileen ilaa Saddex dagaalame oo Shabaab ka tirsanaa.

“Rag ka tirsan Shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo howlo Roonod ah ka sameynayay daafaha magaalada, waxaa na dhexmaray dagaal xoogan, waan iska difaacnay, cadowga waxaan ka dilnay Saddex nin, oo warbaahinta aan u soo bandhigi doono.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, Ciidamada ayaa baadigoobaya dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Afgooye.

Xaalada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saakay dagen kadib markii ay xalay fiidkii Al-Shabaab ay ku soo qaadeen weerar Ciidanka Dowlada, isu socodka dadweynaha ayaa ku soo laabtay sidii caadiga aheyd.

Ururka Al-Shabaab, ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradan ay baqdin ku abuureen dadka degaanka.

Xigasho: Radio Risaala