Roobka Guga oo ka curtay Deegaano hoostaga degmada Xarardheere

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo sheegay goobjoogayaal nala soo xariiray, roobkii Guga ayaa ka curtay deegaano hoostaga degmada Xarardheere koofurta Gobolka Mudug. Deegaanada Roobku ka da’ay waxaa ka mid Dabagalo, Dumaaye iyo Jowle. Roobkan ayaa bilowday Maanta duhurkii, waxaa laga dareemayaa inta badan tuulooyinka hoos taga degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo onkodka iyo daruuro biyeysan oo dul hoganaya.

Waxaana la filayaa in roobku saacadaha soo socda gaaro deegaano hor leh haddii alle idmo, Deegaanada Galmudug ayaa waxaa ka da’a laba xilli roobaad waa Guga iyo Deyrta. waxaana inta badan dadku ku tiirsan yihiin biyaha roobka, iyagoo ka hela baad xooluhu daaqaan iyo tacbashada beeraha. Dadka deegaanka ayaa aad ugu riyaaqay curashada xilli roobaadka Guga. wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com