Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugnaa magaalada Warsheekh ayaa ku wareejiyay ammaanka degmadaas ciidamada Booliska Maamul Goboleedka Hirshabelle.
Munaasabada ku wareejinta amniga ciidamada Booliska Hirshabelle oo dhowaan tababar ugu soo xirmey magaalada Jowhar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meeyre Makaraan (Axmed Faal),Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeella G/sare Xasan Dhicisoow, siihayaha Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) iyo saraakiil kale.
Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM oo ku sugnaa muddo shan sano ah magaalada Warsheekh ayaa fariisimihii ay ku sugnaayeen waxaa la wareegay ciidamada booliska Hirshabelle.
lama sheegin in ciidamadan ay dalka ka baxayaan ama loo bedelay deegaan kale,Midowga Afrika ayaa hore u sheegay in ciidamada AMISOM ayaa ka bixi doonaan dalka Soomaaliya sanadka 2021