AlShabaab oo caawa kulaalaya Ceelhuur iyo Barakac ka socda

Wararka Galmudug Wararka Maanta

War goordhow naga soo gaaray magaalo xeebeedka Ceelhuur ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in duleedkeeda ay soo buuxiyeen ciidamo ka tirsan Alshabaab.

Alshabab-Hamza12-1024x683

Ciidamadan ayaa laba jiho uga soo dhaqaaqay, dhanka wadada Camaara ka timaada, oo ay galabta soo gaareen deegaanka Baraag Fareey oo 20 km waqooyi galbeed uga beegan Ceelhuur, halka caawa ay ciidamada Shabaabka ay soo gaareen deegaan Xeebeedka Qosoltire oo 15 km koofur uga beegan Ceelhuur.

Dadka rayidka ayaa barakacayey maantay iyo caawa, waxaana magaalada ku haray dad u badan dumar iyo caruur.

Magaalada Ceelhuur ayaa ah goob istaraatiiji ah, una dhaxeysa degmooyinka Hobyo oo 50 km u jirta iyo degmada Xarardheere oo 70 km u jirta.

Ceelhuur waligeed ma aysan qabsan Alshabaab, waana magaalo dagaalo badan la gashay Alshabaab, waxaana ciidamada deegaanku u baxeen dhanka Hobyo.

Wararka qaar ayaa sheegay in ciidamada Shabaabku ku jihaysan yihiin degmada Hobyo.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com