Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaa maanta Magaalada Muqdisho uga qeybgalay xuska Sanadguuradii 74aad 15ka May 1943kii.
Madaxweynaha ayaa ubax xusuus ah dhigay taalada SYL ee lagu xasuusto dhalinyaradii gobinodoonka Soomaaliya.
Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay munaasabada, waxaana xaflado lagu weynaynayo 15ka May ka dhaceen Magaalooyin badan gudaha dalka iyo dibadaba ah.