Wararka naga soo gaaray degmada Xarardheere Koofurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay ururka Alshabaab ay halkaas ku xireen 4 Haween ah, sida ay inoo xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah xarigan ayaa yimid kadib markii ay Haweenkan ka dhaga adeygeen in ay keenaan wiilal ay dhaleen si ugu mid noqdaan ciidanka u dagaalama Alshabaab.
Hooyooyinkan ayaa saaka laga soo xiray Tuulada Caliyaalo oo u dhow degmada Xarardheere, Waxaana la sheegay in hooyooyinkan ay wiilashooda u qixiyeen deegaano ka baxsan dhulka ururka Alshabaab ka taliyaan. sidoo kale Alshabaab ayaa muddooyinkan dadka deegaanka ku cadaadinayey in ay keenaan wiilal ka barbar dagaalma.
Alshabaab ayaa maraya waddo kasta oo ay ku heli karaan dhalinyaro ka barbar dagaalanta, sidoo kale waxaa xirmay laba iskool oo ku taalay degmada Xarardheere kadib markii ay dhalinyaradii iyo macalimiintu cadaadis kala kulmeen ururka Alshabaab. waalidiinta ayaa caruurtooda ula cararay magaalooyinka Muqdisho, Cadaado iyo Hobyo.
Dadka deegaanka ayaa muddo 3 sano ah dagaal kala horjeeday Alshabaab, iyagoo aan wax garab ah ka helin maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka.