Ururka Daryeelka Deegaanka iyo Duur-joogta oo looga Dhawaaqay Muqdisho.
Somali Wildlife & Natural History Society (SWNH).
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Bulshada kana dhacday magaalada Muqdisho ayaa lagaga dhawaaqay Urur cusub oo u dooda Xaquuqda iyo daryeelka Deegaanka iyo Duur-Joogta, waxaana lagu magacaabay Somali Wildlife & Natural History Society (SWNH).
Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay Agaasimaha Ururka Dr Cusmaan Geedi, waxa uu sheegay in ay maanta ku dhawaaqeen ururkaan cusub ee u dooda Xaquuqda Deegaanka iyo Duur-joogta, “Waxaan sameyn doonaa wacyigelin guud iyo cilmi-baaris ku saabsan sidii aan u ogaan laheyn dhibaatooyinka haysta Deegaanka iyo Duur-Joogta”.
Mr Geedi waxa uu ka hadlay Dhibaatooyinka Geedka Cali-Garoobku ku hayo Deegaanka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Geedkaasi yareeyo Kala duwanaashaha Geedaha ku yaala Soomaaliya oo dhan, “Waxaan ka shaqeyn doonnaa Soomaaliya oo dhan, mana nihin Urur Siyaasi ah, balse waxaan ka tirsanahay Bulshada Rayidka, waxaana Cilmi-baaris ku sameyn doonnaa Shimbiraha, Xamaaratada, Naasleyda, Kalluunka iyo xayaawadanada kale ee Badda & Beriga ku nool” sidaa waxaa yiri Agaasimaha oo hoosta ka xariiqay in Deegaan Caafimaad qaba oo keliya uu keeni karo Dad & Duunyo caafimaad qaba.
Intaa kadib waxaa hadlay Guddoomiyaha Ururka Dr Mohamed Hassan, waxa uuna ka sheekeyay sida ay Xawaanadda kala duwan Soomaaliya ku ahaayeen iyo sida ay hadda u Dabar-goeen, iyo waliba sida loogu baahan yahay in Cilmi-baaris heer sare ah loogu sameeyo si ugu yaraan wax looga qabto ama lagu ogaado dhibaatooyinka haysta Deegaanka & Duur-joogta.
“Haddii aynaan garan qiimaha uu dhulkeenu leeyahay, waxaan la mid noqoneynaa Duurjoogta nabaad guurku ku dhacay, waana waajib saaran shaqsi kasta oo waxgarad ah, siyaasad ma ahan, kala qaybin ma ahan, deegaan kuma xirna, waa shaqo qof walba oo Soomaali u taala, maadaama aan Geedka ku nool nahay haddaan nahay Dad iyo Duunyaba”, waxaa sidaa yiri Dr Mohamed Hassan oo carababay in kusoo biiritaanka ururkooda uu qof walba u furan yahay.