Akriso: Qodobada Dhacdooyinka Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Akhristayaasheena sharafta waxaa halkaan idinkugu soo gudbinaynaa Barnaamij wareedka Dhacdooyinka Galmudug oo aan idinku soo koobi dooni intaan awoodno wararkii ugu dambeeyey Dowlad goboleedka Galmudug. hadda kadib  habeen kasta kala soco shabakadda Ceelhuur.com , caawa waxaan  kusoo qaadanaynaa:

  1. Xildhibaanadii iyo Senatoradii maalmahaan ku sugnaa Magaalada Cadaado ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho. iyagoo sheegay inay ku guuleysteen howlihii ay u yimaadeen deegaanka.
  2. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta soo gaaray Cadaado, iyadoo ay taagan tahay xiisad u dhaxeysa Madaxda Sare Galmudug.
  3. Magaalada Galkacyo ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax nabadeed oo ay soo abaabuleen Bulshada Rayidka labada dhinac Galkacyo, socodkaan ayaa ahaa mid nabadeed, waxaana dadkii ka qeyb qaatay u badnaayeen arday.
  4. Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado ayaa maanta dib u furmay. waxaana bilowday duulimaadyadii ka imaanayey Muqdisho iyo magaalooyin kale.
  5. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale ayaa la filayaa inuu beri u safro Magaalada Kismaayo, isagoo ka qeyb gali doona shirka Maamul goboleedyada ugu furmi doona magaaladaas.
  6. Beri oo ah 03 Sebtember 2017 waxaa ku eg waqtigii ay Maxkamadda sare u qabatay in 25 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Galmudug ku horyimaadaan garsoorka, iyadoo lagu eedeeyey qaswadayaal.

Fiiro Gaar ah: Ma haysaa talo ku aadan Barnaamijkaan? noogu soo hagaaji :

Email: ceelhuuronline@gmail.com

Whats App: +252615803765