Amisom oo Hooyo Soomaaliyeed ku jiirtay Muqdisho

Wararka Maanta

Kolonyo Ciidanka oo ka tirsan Howlgalka Midoowga Africa ee  Amisom ayaa Afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku jiirtay Haweeneey kamid ah Ganacsatada Qaadka ku iibisa Afaafka hore Ee Aadan Cadde sida ay ku-warameen Dad goobta ku sugnaa.

Haweeneeyda ayaa ka jabtay Gabi ahaanba dhabarka waxaana sidaas xaqiijiyey Qof Goobjooge ah, dhaawaca Maamada ayaa loola cararay Isbital waxaana laga dayrinayaa Xaaladeeda oo aan wanaagsaneyn.

Ciidanka Dowladda Ee Jooga Afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cade ayaa ku guuleystay In Kolonyada dhibkaas geysatay aysan Baxsan sida ay Xaqiijiyeen dad ka ag dhawaa goobta Shilku ka dhacay

Sikastaba in AMISOM Gadiidkeda Jiraan Shacabka iyo Gawaarida ay saaran yihiin ayaa Caado ka noqotay Muqdisho mana dhacdo in lamariyo Cadaalada Saxda sida in lagu qaado daniyada dilka ah oo ay had iyo jeer sida kaska ah ugu gaystaan Maatida Soomaaliyeed

Halkaan Kala soco warkaan wixii kusoo kordha insha Allah

Ceelhuuronline