Maamulka degmada Marka ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal culus oo xalay ka dhacay degmadaas, kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka xoogga dalka ee Guutada 14 October.
Dagaal qaatay ku dhowaad saacad ayaa labada dhinac waxay isku adeegsadeen hub culus, kaasoo laga maqlayay guud ahaan magaalada Marka.
Guddoomiyaha degmada Marka C/llaahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay inay ka war hayeen weerarka ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, lana iska difaacay.
“Meel 8KM u jirta Marka ayay weerar ka soo qaadeen, galabtii ayaa la ogaa, xogtooda waa heynay, dadka deegaanka ayaa farrimahooda na soo gaarsiiyay, waana loo diyaar garoobay, markii ay wax soo tuur tuureen ayaa ciidamada u jawaabeen, waana la iska caabiyay”ayuu yiri C/llaahi Waafow oo la hadlay Warbaahinta.
Guddoomiyaha ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo uu ku gaabsaday in weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab la iska difaacay oo dib loo caabiyay.
Xaalada magaalada Marka ayaa saaka ah mid degan, waxaana saaka duleedka magaalada ka socda howlgallo ay wadaan ciidanka Guutada 14 October ee gacanta ku haya ammaanka magaaladaas.