69 qof oo shuban ugu geeriyooday gobolka Baay (Sawirro)

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in cudurka Shubaan biyoodka ay dad badan ugu dhinteen degaano hoos yimaada Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Degaanka Owdiinle ee ka mid ah degaanada hoos yimaada Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah meelaha ay ku dhinteen dadka ugu badan ee ay saameeyeen Abaaraha.

Gudoomiye dhanka Arimaha Bulshada degaanka Owdiinle gobolka Baay Cabdullaahi Cumar Maxamed  ayaa waxaa uu sheegay in dad badan ay la ildaran yihiin cudurka ,islamarkaana hadda ay u dhinteen 69 qof.

Dowladda Soomaaliya , Maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Hay’addaha Gargaarka ayuu ugu baaqay in ay Gargaar deg deg  ah in ay lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan degaanka Owdiinle.

FB_IMG_1488611407080 FB_IMG_1488611413072 FB_IMG_1488611416698 FB_IMG_1488611420009 FB_IMG_1488611423521