Alshabaab oo galabta isku fidiyey deegaano horleh koofurta Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maalintii saddexaad dagaal dhexmaray ciidanka deegaanka iyo ciidanka Alshabaab, dagaalka ayaa maanta dib uga qarxay deegaanka Baraag farey oo 20 km u jirta Magaalada Ceelhuur koofurta Gobolka Mudug.

Ciidanka Alshabaab abaara duhurkii weerar ku ekeeyey ciidanka deegaanka oo halkaas fadhiisan ku lahaa, Waxaa dagaal saacad socday alshabaab kula wareegeen gacan ku heynta Tuulada Baraag farey. iyagoo intaas kadib bilaabay in ay gubaan guryaha tuulaadaas iyo aqalada Baadiyaha.

Sidoo kale ciidanka Alshabaab ayaa caawa Maqribkii isku fidiyey dhul horleh, iyagoo gaaray tuulada Waable oo qiyaastii 45 km u jirta degmada Hobyo gobolka Mudug.

Ciidanka deegaanka ayaa u ruqaansaday dhanka Tuulada Qararow, waxaana inta badan dadkii daganaa ka qaxeen Magaalada Ceelhuur oo ku taala dhanka xeebta.

Ciidanka Alshabaab ayaa u socda Jihada waqooyi bari, waxaana suurtagal ah hadii aan la caabin in ay jaraan wadada isku xirta Hobyo iyo Wisil.

Tagged