HA CIILIN DUMARKA
- Dartaa ayey gurigooda uga soo tagtay
- Dartaa ayey reerkoodii ula noolaan weyday
- Adiga ayey kusoo guurtay si ay kuu wehiliso
- Adiga ayey uur kuu qaaday si qoyska farxad u helaan
- Uur ay kuu qaatay dartiis ayey jirkeedu isu bedelay
- Ilmaha ay dhasho adigaa laguugu macag daray
- Ilmahaaga iyo adiga ayey dunida kaa dooratay
- Naftaada ayey nafteeda ka jeclaatay si ay kuu caawiso
Intaas oo dhan iyadoo kuu samaysay ayey manta meelkasta waxaa ku dhibaataysan hooyo iyo ubadkeeda
Xaqmaahan in aan fiirsano hooyo dhibaataysan oo ay ka muuqato murugo iyo silic fadlan maanta waxaa la joogaa xiligiin aan hooyooyinka dhibaataysan caawin lahayn kana bad baadin lahayn silica iyo murugada haysatay
Aan u kacno dhibka haysatay hooyooyinka si aan uga bad baadino dhibka iyo ciilka ay ku jirto waxaay hiil uga baahan tahay manta waa dadkeena wax haysta ee ku nool dalka iyo dibadaha
Ilaa goormee ayaan yeelanaynaa isku danqasho iyo damiir aan ku danqano ugana ilaalsano dumarkeena ciilka iyo murugada manta haysata
Manta ayey hiil inooga baahan yihiin hooyooyinka dhibaataysan
Fadlan aan u kacno si aan wax ugu qaban lahayn dumarkeena ay abaaruhu ku haystaan meelkasta si aan u bad badino iyaga iyo ubadkooda
W/Q Fatxi Xaaji Abshir Niiniile