Dalka Macedonia oo magaca laga beddelayo

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Wasiirada arrimaha dibedda dalalka Greece iyo Macedonia ayaa saxiixday heshiis taariikhi oo horudhac ah oo ku saabsan in magac laga beddelo dalka Macedonia.

Nikos Kotzias oo ka socda Greece iyo Nikola Dimitrov oo ka socda Macedonia ayaa heshiiska waxay axaddii ku saxiixdeen degmada Prespa Lake ee xuduudda labada dal kala qeybisa.

Ra’iisul wasaaraha Greece Alexi Tsipras iyo dhiggiisa Macedonia Zoran Zaev, ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska oo magaca Macedonia ku beddelaya magac cusub ee Jamhuuriyadda Waqooyiga Macedonia.

Macedonia ayaa ogolaatay inay magac iska beddesho, si Greece ay u qaaddo xayiraadda ay dalkaas ka saartay ka mid noqoshada ururada NATO iyo Midowga Yurub.

Sharci-dejiyayaasha labada waddan ayey qasab tahay inay heshiiska taageeraan, taasi oo qaadan karta bilo. Labada dal ayaa arrintan ku muransanaa tan iyo markii ay Macedonia xorriyadda qaadatay 1991-kii.

Dad badan oo Greek ah ayaa rumeysan in isticmaalka magacaas uu aflagaado ku yahay tariikhda dalkaas, ayna la macno tahay qeyb ka mid ah dhulka Greece oo la sheegtay.

Xigasho: VOA