118 Soomaali Hindiya ku xiran oo dalka loosoo wareejinaayo

Wararka Maanta

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in billowga Bisha August ay wafdi u dirayso dalka Hindia kuwaas oo dowladda Hindia kala soo wareegaya 118 Maxaabiis Somali ah oo ku xir xiran dalka Hindia.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay 1-da Bisha August ay dalka Hindia u safri doonaan Wasiirka caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo tagi doonaan dalka Hindia.

Maxaabiistaas oo aan wali la xukumin ayuu sheegay in lagu xukumayo dalka Hindia kadibna ay Maxkamadeynta kaddib ay la soo wareegayaan.

Waxaa uu intaas ku daray in ay qabsadeen Qareen caalami ah oo arrintaas ay u kaashanayaan,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in maxaabiistaas Soomaaliyeed ay dalka dib ugu soo laabtaan dhawaan.

“Waxaan hadda ka shaqeynaynaa Maxaabiis 118 oo India ku xiran oo dhawaan Xeer ilaaliyaha iyo Wasiirka Cadaaladda ay ugu ambabixi doonaan dhawaan 1-da Bisha August, Heshiis baan la galnay India oo Wasiirka Cadaaladda soo sixiixi doono, Wasaaradda arimaha dibadana ay ka shaqeynayso qareeno ayaan u qabanay maxaabiista, dhawaan ayuu dhici doonaa xukunka markuu dhacana heshiiskaasi waxaan ku darnay in maxaabiistaasi la soo wareejiyo inagana aan xaq u leenahay in aan dalka keeno, marka kiisaskoodana aan eegno Madaxweynaha uu cafin karo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka.