Ehelada taliyihii ciidanka dowladu dileen oo diidan in la aaso maydka taliyaha

Wararka Maanta

Ehelada Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Kumaandooska ee Xoogga dalka Gaashaanle Maxaadey Suleymaan ayaa diiday in la aaso meydkiisa oo maanta la diyaarinayay aaskiisa.

Qaar ka mid ah ehelada ayaa dalbaday in illaa caddeyn buuxda laga keeno qaabka uu u dhacay falka dilkaas in aan la aasi doonin wiilkooda.

Ilo ku dhow dhow Ehelada marxuumka la dilay ayaa sheegay in aan weli la xirin ciidankii ku lug lahaa falkii xalay, hase ahaatee Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka ku qortay ku sheegtay in la xiray askartii ku sugneyd bar koontaroolka Baar Shabelle oo ku lug lahaa falkaas.

Hase ahaatee warar kale ayaa sheegaya in Sarkaalka la dilay uu ku dhintay agagaarka Ex Hotel Naasahablood 2 oo dhowaan magaca laga bedelay, looguna magac daray Maa’ida, waxaa la sheegayaa in ilaalada Hotelka ay qeyb ka aheyd is rasaaseynta, isla markaana Hotelka uu leeyahay Wasiirka Amniga.

Sidoo kale Ehelada Marxuumka la dilay ayaa ku andacoonaya in illaa iyo hada wixii ka dambeeyay falkii xalay aanay jirin cid dowladda ka tirsan oo la soo xiriirray, xitaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow oo la sheegay in Ilaalada hotelkiisa ay qeyb ka aheyd is rasaaseynta.

Dhacdadii xalay lagu dilay Taliyihii Ururka Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka ayaa waxaa aheyd arrin aad loo hadal hayay, taasoo qabsatay baraha bulshada, dad badan ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in Taliyaha uu ku dhinto gacantii ciidankii dowladda.