Machadka Heritage oo ku baaqday in la kala diro Guddiga doorashada

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin ay soo saartay waxay dhaliil u soo jeedisay qaabka ay ku socdaan arrimaha doorashada, iyadoo uu isa soo tarayo walaac ku aadan in muranka ka taagan dhismaha Guddiyadaas uu sababo qalalaase siyaasadeed iyo mid Amni.

“Markii asbuucii hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya magacaabay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka, dalka waxaa u soo hormartay tilmaan muujinaysa waxa laga fili karo doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee dalka, taas oo ah: dib ugu noqosho wax isdabamarin baahsan oo la mid ah doorashadii 2016-ka”ayaa lagu yiri Warbixin uu soo saaray Machadka Heritage.

Heritage ayaa sheegtay in guddiga loo xil saaray in doorashada ay qabtaan ay ku jiraan saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisul Wasaaraha, saraakiil xafiisyada madaxda dowlad goboleedyada, diblomaasiyiin, saraakiil amni iyo shaqaale dowladeed.

“Guddiyada FEIT, SEIT iyo xallinta khilaafaadka ee laga soo buuxiyey shaqaalaha iyo taageerayaasha madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedka, waa in la kala diro, laguna beddelo guddi ay ku jiraan shakhsiyaad sumcad ku dhex leh bulshada, Haddii madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada aysan awoodin inay magacaaban guddi dhexdhexaad ah, walba ha soo magacaabaan guddi ay iska arki karaan dhammaan saamileyda siyaasadda, oo ay mucaaradku ku jiraan. Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedku ma noqon karaan qaalliga iyo xeer beegtida doorashada soo socota. Hannaan walba oo tartan xalaal ah laga rabana waa inuu ugu yaraan halbeeggaas yeeshaa”ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Machadka Heritage.

Halkan hoose ka akhriso Warbixinta Machadka Heritage.

Somali-translation-of-election-commentary-Final-