Barlamaanka Galmudug: Mooshin iyo Mushaar

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Qormadaan kooban oo aan ugu magacdaray BARLAMAANKA GALMUDUG: MOOSHIN IYO MUSHAAR, waxaan uga hadli doonaa sida ay ugu wakiilada Galmudug ugu fashilmeen howshii loo igmaday.

Waxa ay foodda galiyeen sanadkii saddexaad, 23 bilood ayaa uga hartay muddada xilhayntooda, waxaa laga filayey in ay qabtaan howl badan, balse howlqabadkoodu aad ayuu uga hooseeyaa intii laga filaayey.

Shaqooyinka ugu muhiimsan oo ay qabteen mudanaayaashu muddo 25 bilood ah:

  1. Doorashadii Guddoonka Barlamaanka.
  2. Doorashadii Madaxweyne Guuleed. Iyo ku xigeenkiisa.
  3. Wax ka badal qaar ka mid ah qodobada dastuurka.
  4. Ansixinta golaha wasiirada ee uu soo dhisay C/kariin Guuleed.
  5. Doorashadii 8 Senator aqalka sare Soomaaliya.
  6. Kalsooni kala noqoshadii C/Kariin Guuleed.
  7. Doorashadii Madaxweyne Xaaf.

Waa dhab inay jiraan xildhibaano yar oo diyaar u ah inay shaqeeyaan, balse waxaa muuqata in inta badan ay dantooda gaarka ah  hormariyaan, iyagoo awoodoodu isugu geeyey sidii ay dhaqaale u heli lahaayeen.

Arinta xusidda mudan ayaa ah in kalfadhigii 5-aad uusan wali furmin, waxaana lagu madlanaa inuu bilowdo 5 Luulyo, wali waxaa Cadaado ka maqan inta badan xildhibaanada Galmudug, taas oo ku horgudban furitaanka kalfadhiga Barlamaanka.

Todobaadkan oo la filayey in ay soo xaroodaan dhammaan xildhibaanada, ayaa waxaa dhacday in Qaramada midoobay ay diyaarad gaar ah oo 74 qof qaadda u kireysay xildhibaanada Xamar ku sugan, oo ka badan 70 mudane, waxaana dhacday in 12 kaliya diyaarada soo raacaan, taas oo ka dhigan ay xildhibaanadu u muuqdaan in loo doortay in ay hotelada Xamar ku xarafsadaan.

Dadka u dhuun duleela siyaasadda Galmudug ayaa u arka in jileeca guddoonka Barlamaanku yahay sababta ugu weyn ee habacsanaanta jirta. Warar hoose ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar karkarinayaan mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, halkaas oo ay u arkaan in dheefi ku jirto… Inta badan bulshadu kuma faraxsana habdhaqanka xildhibaanada waxayna u arkaan halka ay ka sartu ka qurunsan tahay.

W/Qorey: Maxamed Dhagacade

Cadaado- Soomaaliya.