Xog Ku Saabsan Shirka Hugaamiyaasha Maamulada oo Gabangabo ku Dhow

Wararka Maanta

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah Maamulka Jubbaland waxaa wili kasocda Shirka Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya.Shirka waxaa marti galiyay Madaxwaynaha Jubbaland waxaana ku wehliya Madaxwaynayaasha Puntland.Galmudug. Koofur-Galbeed iyo Hirshabeelle. Shirka oo galay maalintii Sadexaad ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaban gabeeyoo oo laga soo saaro War-murtiyeed ay u dhan yihiin Madaxda goobta iskugu tagay.

Hadaba Xogo ku saabsan Qodobada laga hadlay islamarkaana la filayo in War-murtiyeed lagu cadeeyo oo ay heshay Shabakada Ceelhuuronline ayaa sheegaya in laysku soo qaaday in Maamuladu Samaystan hal kugaan iyo Xoghaye oo hada wixii ka danbeeya taladoodu mid ahaato ayagoo u midoobaya sidii ay Dowladda dhexe ugala gorgor-tami lahaayeen arimo badan oo waqti xaadirkaan muran ka dhex abuuray DFS iyo Dowladaha xubnaha ka. Hugaamiyaha  Maamul Goboleedyada ayaa ahaan doona meerto ama wareegto waxaana Xilkaas lagu wadaa inuu qabto Madaxwaynaha Koofur-Galbeeed Shariif Xassan Sh Adan halka Xoghayaha guud ee Maamulada uu noqon doono Taliyaha Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi Cali Raage.

Waxaa kaloo laga wada hadaly arinta Dib u eegista Dastuurka oo Dowladda dhexe ay doonayso in la helo Dastuur awooda ay is bidayaan ka Xayuubiya Hugaamiyaasha Maamulada. Madaxda Kismaayo ku shirsan ayaana ku balamay in arintaas ay meel uga soo wada jeestaan.Khilaafka Galmudug oo shirka looga hadlay ayaa asna lagu wadaa in Guddi loo saaro lana soo saaro Qoraal lagu Cambaaraynayo Wixii Cadaado ka dhacay iyo in Dowlada dhexe ku howlan tahay Duminta Maamulada dalka ka jira.

Shirka oo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso Dowladda Imaaradku waxaa lasoo marsiiyay Ra’iisu Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare Dowladda Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke oo ah ninka daaha gadaashiisa ka maamulaya Shirka Kismaayo waxaana sidoo kale Shirka lagu soo hadal qaaday Siyaasada Turkiga ee Soomaaliya gaarahaan Saldigga Milatari ee uu Muqdisho ka furay. Turkiga iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxaysa xurguf Siyaasadeed iyo loolan ku aadan Maalgashiga Soomaaliya.

Hugaan midaysan oo ay yeeshaan Madaxda Maamuladu waxay sahli doonta in ay caburiyaan go’aanada Dowladda dhexe waxuuna shirkaan imaanayaa ayadoo uu taagan yahay Khiilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo DFS oo ka dhashay Xisada Dalalka Khaliijka oo Dowladda Farmaajo waxay ka qaadatay Mowqif dhex dhexaanimo halka inta badan Dowlad Goboleedyadu ku garab noqdeen Sacuudiga iyo Imaaraadka waana tan sahlaysa in Imaaraadku helo fursad uu kula hadlo Shanta hugaamiye ee Kismaaayo ku Shirsan

 

Halkaan ayaad ka heli doontaan wixii kasoo baxa Kismaayo Insha allah

Ceelhuur.com

W/D Ali Abdiwahab Aden