Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur wuxuu ahaa ninkii 2aad ee ugu sareeyey ururka Alshabaab, waxaa uu muddo soo ahaa afhayeenka ururkaas, Agoosto 2017 ayuu isku soo dhiibay dowladda Federaalka, isagoo sheegay inuu isaga baxay ururka Alshabaab.
Mukhtaar ayaa isku soo taagay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana Guddiga doorashadu gudoonsiiyeen shahaadada diiwaangalinta Musharaxa, sidoo kale 5 Musharax ayaa u tanaasulay Roobow inuu ku matalo doorashadan, iyagoo arintaas uga gol lahaa ka hortagga faragelinta dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa u arkayey Roobow inuu ku cariirin karo doorashada Musharaxa ay wataan ee laftagareen.
Sidee loo xiray Mukhtaar Roobow
Saaka ayaa guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed waxa ay u yeereen Musharixiinta Madaxweynaha, waxaana Musharixiintu iska xaadiriyeen xarunta Madaxtooyada Baydhabo oo ah halka ay ku shaqeeyaan guddiga doorashada. Musharixiinta ayaa banaanka Madaxtooyada uga tagay ilaalada gaarka ah ee ay wateen, Mukhtaar Roobow ayaa markii uu gaarigiisa ka dagay waxaa qabtay askar itoobiyaan ah oo xoog ku kaxeysaytay, iyagoo jirdil u geystay kadibna ku qaatay gaari daboolan oo ay ciidanka itoobiya leeyihiin.
intaas kadib ayaa waxaa banaanka Madaxtooyada Baydhabo ka bilowday israsaaseyn dhex martay ciidanka itoobiyaanka ee ilaalada ka ah Madaxtooyada iyo ilaaladii Roobow, waxaana rasaastaas waxyeelo kasoo gaartay ciidanka itoobiya oo askar looga dilay, kuwa kalena looga dhaawacay. ciidanka itoobiya ayaa Roobow ku wareejiyey ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya oo uu horkacayey Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon.
Taliye Saadaq ayaa xoog kusoo watay diyaarada ay leedahay shirkadda African Airways oo dad rayid ah geysay Baydhabo, diyaaradan ayaa waxaa soo raacay Roobow oo ay ilaaliyaan 24 askari oo boolis ah iyo Taliye Saadaq.
Dhanka kale inta aysan diyaaradan ka dagin garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa gudaha garoonka laga saaray shaqaalihii garoonka, marka laga reebo inyar oo looga maarmi waayey shaqada gudaha garoonka, shaqaalaha ayaa la isugu geeyey qeyb gadaale ee garoonka. waxaana garoonka Aadan cadde laga soo dajiyey Mukhtaar Roobow oo ay ilaalinayaan ciidanka Booliska, dadka arkay ayaa inoo sheegay in markii garoonka la dhex marsiinayey Roobow uu caga caddaa. waxaana loo gudbiyey xarunta Dhexe Nabad suggidda Habar Khadiijo Magaalada Muqdisho.
Sida kale goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Mursal oo isku dayey inuu garoonka diyaaradaha galo intii aysan imaan diyaaradii siday Roobow ayaa loo diiday, waxaana hor istaagay ciidanka Booliska garoonka iyo ciidamada Amisom oo sheegay in amar lagu siiyey in cidna aysan u gudbi karin qeybta VIP-da garoonka.
Xarigga Mukhtaar Roobow kadib ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka bilowday rabshado khasaare dhaliyey, sidoo kale isgaarsiinta Baydhabo ayaa muddo hawada ka maqneyd, inkastoo galabta dib usoo laabtay, Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa hadda dagan, waxaana dadku inta badan ku sugan yihiin guryahooda, iyadoo laga cabsi qabo rabshado kale.
Dowladdu Maxay ka tiri Xarigga Roobow?
Wasaaradda Amniga gudaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay xarigga Mukhtaar Roobow, Waxaana Dowladdu sheegtay inuu Mukhtaar amni darro ka waday Baydhabo.
Maxay ka yiraahdeen Xildhibaanada Badbaado Qaran Xarigga Roobow?
Kutladda Xildhibaanada Badbaado Qaran ayaa sidoo kale warsaxafadeed kasoo saaray xarigga Mukhtaar Roobow, iyagoo sheegay in dacwad ka gudbinayaan Madaxa Howlgalka AMISOM.