Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo xilkii ka qaaday gudoomiyihii baarlamaanka

Wararka Maanta

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib mooshin ay ka keeneen.

Fadhi goor dhow ay Xildhibaanada ku yeesheen xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 53 Xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

49 Xildhibaan ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista, halka 4 Xildhibaan ay ka aamustay, iyadoo tani ka dhigan tahay in sidaas xilka looga xayuubiyay Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed.

Xalay ayay aheyd markii dagaal uu ka dhacay xarunta baarlamaanka uu dhex maray Ciidamo ilaalo ka hayay Xarunta iyo Ciidamo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliska Puntland, waxaana is rasaaseynta ku geeriyooday saddex ruux.