Wasiirka Howlaha Guud Galmudug oo Cadaado lagu xiray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa maanta Cadaado ku xiray Maxamed Guure oo ah wasiirka howlaha guud ee maamulka Galmudug, wasiirka ayaa ahaa Musharaxa u sharaxan mid ka mid ah kuraasta beesha Murusade ku leedahay Aqalka hoose.

fb_img_1479130320796

Sababta xariga wasiirka ayaa lagu sheegay in ilaaladiisa rasaas ku fureen xarunta gudigga doorashooyin ee magaalada, hal qof ayaa dhaawac fudud kasoo gaaray rasaasta ay is weydaarsadeen ilaalada wasiirka iyo ilaalada xarunta doorashooyinka.

Mr.Guure ayay kursiga isku haystaan Mustaf Dhuxulow iyo Gen Gaafow Taliyaha NISA oo hadda Cadaado ku sugan, saddexda nin ayaa ah jufada Habar Ceyno ee beesha Murusade, jufadaan  ayaa leh laba kursi, waxaana Gen.Gaafow kursi ka mid ah labada kursi u rabaa walaalkiis.

Musharixiintan ayaa ku loolamaya hanashada Ugaaska beesha oo ciddii ergada ay wadato uu u saxiixo ay doorashada rajo badan ka qabta.

Jawiga ayaa dagan, waxaana Cadaado maalmahaan laga dareemayaa heer kulka doorashada oo sare u kacay, waxaana la kala jiidanayaa duubabka dhaqanka iyo ergooyinka.

Comments are closed.