Xiisad u dhaxeysa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya oo ka taagan Kismaayo

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaa ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya isku horfadhiyaan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya, laakiin waxaa wararku sheegayaan in ciidamada Itoobiya qorshahoodu yahay in ay la wareegan gacan ku heynta Amniga Garoonka Kismaayo.

Ciidamadan maanta garoonka yimid ee Ethiopian-ka ah ayaa sida la sheegay waxaa usoo degi rabay ciidan Kumaandoos ah oo diyaarad sitay kana baxsan tirada ciidamada Ethiopian-ka ah ee halkan jooga. Balse ciidankii iyo diyaaradiiba ciidamada ammaanka garoonka ayaa celiyay oo diyaaradii inayna soo degi karin u sheegay. Is horfadhi cabaar ah kadib ciidamada Ethiopian-ka ah ayaa xeryahoodii ku noqday,

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili magaalada Kismaayo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada Jubbaland, iyadoo dhawaan looga dhawaaqay Labo baarlamaanka oo iska soo horjeeda.