Todobaadkaan maxaa Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland Sodaalka ku tagay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu Hugaaminayo, Shacabka iyo Maamulka Puntland ayaa soo dhawayn heerkeedu u sameeayay Khayre iyo Masuuliyiinta waelisa waxaana loo qabtay Xaflado lacag badani ku baxday.
Ujeedka Safarka RW Somalia ayaa ku qotomay labo arimood kuwaas oo kala ah ka qayb galka Xaflada lagu xusi lahaa Sanad Guuradda 20 aad ee kasoo wareegtay Dhismaha Maamulka uu Booqday ee Puntland iyo in Shirka Golaha Wasiirada XFS uu ka dhaco Garowe, labadaas waa qorshihii khayre uga baxay Muqdisho balse Maamulka iyo Shacabka Puntland ayaa watay Qorsha ah inuu Dhagax Dhigo Dekadda Degaanka Garacad.
Ugu horayn waa Hungowday Damacii Puntland ee ahaa in Khayre dhagax dhigo Dekadda Garacad waxuuna Maalintii Dhagax dhiga loo asteeyay Socdaal dhulka ku tagay Magaalada Qardho, macada Sababta Rasmiga ee Xasan Cali Khayre uu Diiday Dalabka Maamulka iyo Shacabka uu Martida u yahay, balse Wararka qaar ayaa sheega in Madaxwaynaha Somalia oo Horay u dhagax Dhigay Dekadda Degmada uu ka horjoogsaday tilaabadaas, Diidmada Khayre ee Dhagax Dhigga Dekadda Garacad waxaa ka dhashay Xiisad Iyo Caro ka timid Siyaasiinta iyo waxgaradka Puntland waxayna Safarka Khayre ugu Magacdareen Qaado Quuriwaa!
Khilaaf ayaa ka dhex Curtay Dowladda Dhexe iyo Maamulka Puntland waxuuna keenay inay baaqato Xafladii loogu talagalay Xuska Sanad Guurada 20 ad ee Puntland, Safarkii R’iisul Wasaare ayaana u mooqda mid kusoo dhamaaday Fashil iyo Guularado waxuuna dhaliyay Khilaaf Xoogan oo aan markii hore meesha oolin, Waxaa kaliya ee Khayre kala soo laabanayo Garowe ayaa ah soo dhawayn iyo sacab markii Danbe caro isku dalay iyo Shirka Wasiiraddana lagu tuug tuugay Puntland in uu ka qabsoomo Garoowe kadib Kulamo aan Shalay ilaa Xalay loo kala kicin waxaana arinta soo dhexgalay isimada iyo Waragadka kuwaas ee Gaas ku Ceebiyay inuu diido in Wasiiraddii Somalia ku shiran Hoygiisa.
W.D Ali yare Abdiwahab Aden