Xaaf iyo Shaakir oo Maanta tagaya Gaalkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Hogaamiyayaasha Galmudugta Dusmareeb Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa la filayaa in maanta tagaan Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.

Labadan Masuul ayaa safar cirka ah ku tagi doona Gaalkacyo, Waxaana la filayaa in ay halkaas beri kula kulmaan Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya  Nicholas Haysom iyo wakiilka Midowga Afrika.

Wafdigan ka socda beesha caalamka ayaa badalay qorshahoodii ahaa  in beri oo isniin ah safar ku tagaan Magaalada Dusmareeb kadib markii Gaadiid ah xabaddu karin oo UN-ku leeyahay shalay galab laga celiyey kontaroolka Waqooyi ee Cadaado, gaadiidkan ayaa ka yimid Gaalkacyo, waxa ayna u socdeen Dusmareeb, Waxaana gaadiid loogu talagalay in adeegsadaan Madaxda Beesha Caalamka ka socda ee Dusmareeb tagaya.

Waa Markii labaan muddo bil gudaheed oo Xaaf Ducaale diyaarad u kala raaco Dusmareeb iyo Gaalkacyo, Garabka Dusmareeb ayaa horey ugu diiday Wafdi ka socday Aqalka Sare in ay tagaan Cadaado, Si ay u dhageystaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda Xaaf Ducaale.

Dhanka Kale 6 Gaaari oo sida Kunteenaro ayaa maalintii labaad ku xayiran kastamka Cadaado, gaadiidkan ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan halka ay u socdaan iyo xamuulka ay sidaan.